Rooble oo laamaha Amniga Baraawe kala hadlay Amniga doorashooyinka

HomeWararka

Rooble oo laamaha Amniga Baraawe kala hadlay Amniga doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis

Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Ibraahin, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal
Mowqifka Musharax Madaxweyne Cali Xaaji iyo khilaafka Gaas iyo Camey (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa ay kulan la qaateen Saraakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan iyo Taliska Ciidanka Amisom Qeybta Degmada Baraawe.

Kulan ayaa looga hadlay xaqiijinta Amniga Doorashooyinka Aqalka hoose ee dhawaan la filayo inay ka dhacaan degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay fareen saraakiisha Hay’adaha Amniga degmada Baraawe inay dardar geliyan howlaha sugida amniga & la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi,Wasiirka Gaashandhiga,Maamulka Gobolka,kan Degmada Baraawe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: