Ra’iisul Wasaare Rooble oo kiiska Ikraan Tahliil kala shiray Midowga Musharixiinta

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kiiska Ikraan Tahliil kala shiray Midowga Musharixiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta la kulmay qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta, iyaga oo ka wada ha

Warka Caweysin iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta la kulmay qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Xubnaha la shiray Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ka wada hadleen sidii uu kiiska Ikraan Tahliil ku heli lahaa caddaalad, looguna simo hay’adaha garsoorka, in dardar la geliyo arrimaha doorashooyinka iyo la qaboojiyo xasaradda.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharixiinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif & Xasan sheekh, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabduqaadir Coisoble Cali & Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhowr jeer waxaa uu ku celceliyay in dadaal kasta uu ku bixin doono sidii ay cadaalad u heli lahaayeen qoyska Ikran, basle ay weli caqabado dhowr ah uu wajahayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: