Farmaajo oo magacaabay guddi baaritaan ku sameeya Kiiskii Ikraan Tahliil

HomeWararka

Farmaajo oo magacaabay guddi baaritaan ku sameeya Kiiskii Ikraan Tahliil

Qoraal goordhow kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi F

Xulashada Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (DHEGAYSO)
Gaas oo Cafis waydiistay Shacabka Puntland iyo qof kasta oo xumaan u geeystay (Daawo)
Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya

Qoraal goordhow kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax uu u Magacaabay Guddi Qaran.

Guddiga oo ka kooban Shan Xubnoid ayaa waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Warqadda kasoo baxday Villa Somalia ayaa waxaa kujirta in Agaasimaha NISA uu soo Magacaabayo Xubin kamid ah Guddiga, iyada oo ay jirto in Agaasimaha NISA ee uu Ra’iisul Wasaaraha Magacaabay Farmaajo diiday, isla markaana uu Agaasimaha NISA uu u magacaabay Yaasiin Fareey oo ah Taliyaha Ciidanka NISA ee Gobolka Banaadir.

Guddigaan uu Madaxweyne Farmaajo u saaray Kiiska maanaanshaha Ikraan Tahliil ayaa kusoo aadaya xilli kiiskaan uu khilaaf ka dhex dhaliyay Farmaajo iyo Roible, isla markaana Qoyska Ikraan ay dalbanayaan Cadaalad.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: