Gabadhii ugu horaysay oo kamid noqota Aqalka Sare oo Baydhabo kasoo baxday

HomeWararka

Gabadhii ugu horaysay oo kamid noqota Aqalka Sare oo Baydhabo kasoo baxday

Samsam Ibraahim Cali ayaa ku guuleysatay doorashadii ugu horeysay ee maanta ka dhacday magaalada Baydhabo kadib markii ay ka guuleysatay Shariifo Xaji

Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan (Dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Dhuusamareeb (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)

Samsam Ibraahim Cali ayaa ku guuleysatay doorashadii ugu horeysay ee maanta ka dhacday magaalada Baydhabo kadib markii ay ka guuleysatay Shariifo Xaji Cusmaan Ibraahim oo la tartamaysay.

Doorashadan ayay Samsam Ibraahim Cali oo afartii sano ee la soo dhaafay kamid aheyd Xildhibaannada Aqalka sare waxa ay ka heshay 81 Cod, halka Shariifo Xaji Cusmaan ay heshay 4 Cod halka 7 Cod ay halaabeen.

Samsam Ibraahim Cali ayaa waxay noqonotay gabadhii ugu horeysay ee ka mid noqoneysa baarlamaanka 11aad ee 2021.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka bilaabatay doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeybta ka imaaneysa degaannada Koonfur Galbeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: