RW Rooble oo si kulul uga hadlay Qarixii shalay lagu layeey dhalinyaraddi Ciyaartoyda ahayd

HomeWararka

RW Rooble oo si kulul uga hadlay Qarixii shalay lagu layeey dhalinyaraddi Ciyaartoyda ahayd

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareyay qaraxii la beegsatay dhallinyaro ciyaartooyda ahaa.

Madaxweyne Gaas oo Tacsi u diray qoyska Dublumaasi ku geetiyooday Muqdisho
Wasiir Juxa: “Xeradii waa laga guurey, ninkii isku dhejinaya iyo kii jeclaysanayaba haku qanco in la guurey”
Booliska Hir-Shabeelle oo gacanta ku dhigay Nin ku eedeysan dilka Gabar 17 jir ah

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareyay qaraxii la beegsatay dhallinyaro ciyaartooyda ahaa.

Rooble ayaa ku baaqay in si deg deg ah Caddaalada loo horkeeno kooxdii ka dambeysay falkaasi uu sheegay in ay halis ku yihiin nolosha shacabka.

“Waxaan tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland,kuwa dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dhaqso u bogsoodaan” ayuu yiri Rooble.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay”.

Jubbaland ayaa xaqiijiysay in Qaraxii shalay ku dhinteen labo ciyaartow sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Afar kale, islamarkaana Qaraxa uu ahaa mid loogu xiray gaariga buska ah ee ay saarnaayeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: