Carruur ku geeriyootay dab ka kacay guri ku yaal magaalada Hargeysa

HomeWararka

Carruur ku geeriyootay dab ka kacay guri ku yaal magaalada Hargeysa

Labo carruur ah oo walaalo ah ayaa ku geeriyooday qaar kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray kadib markii uu dab ka kacay gurigii ay degenaayeen oo ku y

Guddoomiye Yarisow oo Safiirka Turkiga kala hadlay taageerada iyo horumarinta gobolka Benaadir.
Xaawo Taako oo mar kale istaagtay!
Waxqabadka Todobaadka Maamulka Gobolka Banaadir

Labo carruur ah oo walaalo ah ayaa ku geeriyooday qaar kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray kadib markii uu dab ka kacay gurigii ay degenaayeen oo ku yiil magaalada Hargeysa.

Carruurta ku geeriyotay dabkan ayaa la sheegay in uu dhalay askari ka tirsan ciidamada ammaanka magaalada Hargeysa isagoo xilligii dabka bilaabanayay uu howlo shaqo ugaga maqnaa guriga.

Duqa cusub ee magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii u gurmatay dabka.

Ciidamada dabdamiska oo ugu dambeyntii ku guuleystey inay damiyaan dabka ayaa awoodi waayay in si dhaqso ah ku gaaraan guriga maadaama wadooyinka laga geli lahaa guriga ay ahaayeen kuwo ciriiri ah oo aan lamari karin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: