Qaramada Midoobay oo shaacisay in Ethiopia ay ka jirto macluul

HomeWararka

Qaramada Midoobay oo shaacisay in Ethiopia ay ka jirto macluul

Madaxa arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa sheegay in waqooyiga Itoobiya ay kajirto macaluul. Warbixin ay soo saartay

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Wasiir Galan lagu rasaaseeyay Carmo? (daawo)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Meelmariyey Hindise Sharciyeed iyo Heshiiskii Maxaabiista India

Madaxa arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa sheegay in waqooyiga Itoobiya ay kajirto macaluul.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaaday in 350,000 oo qof ay ku nool yihiin xaalad aad u daran oo ka jirta gobolka ay dagaaladu aafeeyeen ee Tigray, iyo sidoo kale gobolka deriska la ah Amxaarada iyo Canfarta.

Gobolka Tigray ayaa waxaa halakeeyay dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo jabhadaha, waxaana ku barakacay 1.7 milyan oo ruux.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in xaalada cunno ee gobolka ay gaartay heer musiibo taasoo ay ku macneysay gaajo iyo dhimasho saameysa kooxo yar oo dad ah oo ku faafay dhul ballaaran.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), Ururka Cuntada iyo Beeraha iyo hay’adda carruurta ee Unicef ​​ayaa dhammaantood ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatada jirta.

Dad ku sugan Qafta Humera, oo ah degmo ku go’doonsan galbeedka Tigreega, ayaa warbaahinta u sheegay in ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan macaluul.

Dad badan oo ka soo jeeda Qowmiyada Tigreega, ayaa waxay u qaxeen isku dhacyo awgood waxayna gabaad ka dhigteen magaalada Mekelle ee gobolka Tigray, waqooyiga Itoobiya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: