Dagaal khasaare geeystay oo ka dhacay gobalka Galgaduud

HomeWararka

Dagaal khasaare geeystay oo ka dhacay gobalka Galgaduud

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa kuu ka dhacay degaan u dhaxeeya Degaanada Docoleey iyo Baxda-gaabo ee Gobolka Galgaduud ee

Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 13aad
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garowe (dhegayso)

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa kuu ka dhacay degaan u dhaxeeya Degaanada Docoleey iyo Baxda-gaabo ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Dagaalka oo salka ku haayo dhul ku yaal degaankaas ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, waxaana uu salka ku haayaa muran ka dhashay Baraago Deeganka laga Qodayey mana jirto Cid wali kala dhexgashay Dhinacyada dagaalamay.

Habeen hore sidaan oo kale ayaa waxaa degaanka Baxda-gaabo ee Gobolka Galgaduud ku dagaalamay laba maleeshiyo Beeleed, taas oo keentay in dagaala uu kusii fido degaano kale.

Shalay gelinkii dambe waxaa degaanka Baxda-gaabo gaaray wafdi ka socda Maamulka Galmudug, kuwaas oo halkaasi u tegay sidii loo joojin lahaa dagaalka labada Maleeshiyo Beeleed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: