Maamulka gobalka Banaadir oo heshiis la saxiixday Hay’ad Caalami ah

HomeWararka

Maamulka gobalka Banaadir oo heshiis la saxiixday Hay’ad Caalami ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta la saxiixday heshiis Wada shaqeyn dhanka Caafimaadka ah Hey’adda Cesvi, oo kamid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee ka

Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
WADAYAASHA GAADIIDKA DADWEYNAHA EE MUQDISHO OO KACABAYANA LACAGO BAAD AH OO AY KAQAADAAN CIIDANKA
Afhayeenka Golaha lskaashiga Dowlad Goboleedyada oo la magacaabay (wareegto)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta la saxiixday heshiis Wada shaqeyn dhanka Caafimaadka ah Hey’adda Cesvi, oo kamid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee ka Shaqeeya dhinaca baahi tirka Caafimaadka

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Dr Maxamed Cadow oo u saxiixay Maamulka Gobolka Banaadir heshiiska ayaa kaga mahadceliyay Hey’adda Cesvi sida joogtada ah ay wax uga qabtaan hormarinta adeega Caafimaadka ee gobolka Banaadir.

Madaxda ka socotay Hay’adda Cesvi ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka caawin doonaan dhinaca horumarinta Arrimaha Caafimaadka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kajirta bahi dhinaca Caafimaadka ah, waxaana jira Saddex Isbitaal kaliya oo dowladda Soomaaliya maamusho halka Isbitaallada kale ee garka loo leeyahay dadka looga qaado lacago farabadan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: