Muqdisho: Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibbada Balal Cusmaan oo la kulmay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya

HomeWararka

Muqdisho: Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibbada Balal Cusmaan oo la kulmay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Balal Cusmaan ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Safiirka Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Ja

Baraarugga Haweenka | Daljir & BBCMA | Taxanaha 124aad
Warka Fiidnimo iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso/daawo)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Balal Cusmaan ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Safiirka Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Michail Golovnov.

Kulankan oo ahaa mid albaabada ay u xirnaayeen ayaa Labada dhinac waxa ay ugaga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Calanka Ruushka ayaan madasha soodhaweynta ka muuqan, laakiin u muuqday mid lagu khalday calanka dowladda Holland oo dhinac surnaa calanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa u muuqata mid dowladda Soomaaliya uga jawaabeyso hanjabaadii Mareykanka, isla markaana farriin ugu direyso, haddii Mareykanka xiriirka u jaro inay soo dhoweysaneyso Ruushka, maadaama Ruush iyo Mareykanka ay yihiin labo quwadood oo iska soo horjeedo.

Xiriirka dowlada Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa xumaaday kadib markii dowlada Maraykanka ay si cad ugaga soo horjeesatay muddo kordhinta ay dowlada federalka sameysatay.

Hase yeeshee dowlada Maraykanka ayaa dhinacyo badan ka taageera dowlada federalka iyadoo ay ka mid tahay dhinaca milatariga iyo weliba horumarka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0