Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday ee Soomaaliya  oo ka hadlay heshiiskii Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaare Rooble

HomeWararka

Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday ee Soomaaliya oo ka hadlay heshiiskii Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul wasaare Rooble

Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Mushar

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
MAANHADAL: Caqabada soo wajahday shacabka Soomaaliyeed ee ka safra Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho,
Puntland iyo Galmudug oo Tababar nabadda ku saabsan ugu soo dhamaday Jabuuti (dhegayso/daawo)

Madaxweynaha Waqtigiiso dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.

Madaxweynaha waqtigiiso dhamaaday waxaa ugu baaqay shacabka in ay ilaaliyaan nabada iyo xasiloonida si looga hortaggo in dhibaatooyin ay ka dhacaan dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: