Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay fasaxday jaadkii laga keeni jiray Kenya (daawo)

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay fasaxday jaadkii laga keeni jiray Kenya (daawo)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in hadalkii uu shalay warbaahinta u sheegay si qalad ah loo dhigay,

Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Cafis u fidiyeey maxaabis (Daawo)
Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineysa Dhainyaro ku xirnaa dalka Liibiya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in hadalkii uu shalay warbaahinta u sheegay si qalad ah loo dhigay, isaga oo aan soo hadal qaadin jaadka laga keeni jiray Kenya oo ay dowladda Soomaaliya joojisay.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ujeedkiisa uu ahaa in uu ka jawaabo jaadka hareeriga ee laga keeno dalka Itobiya oo dad badan ay sheegeen in dad gaar ah uu u xiran yahay, waxana uu sheegay in cid walba ay soo degsan karto.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in cid walba ee dooneysa in jaad ( qaad) dalka keenta ay qaadato rugsada, sidoo kalena uu Canshuurta iska bixiyo.
Daawo.

Hadalkan ayuu sheegay wasiirka kadib markii ay Daljir baahisay aragti uruurinta shacabka Garoowe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: