Maxay kawada hadleen Xasan sheekh & Madaxweynaha Hiirshabeele

HomeWararka

Maxay kawada hadleen Xasan sheekh & Madaxweynaha Hiirshabeele

Cali Cabdullaahi Xuseen guudlaawe Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo uu la qaadan

Warkii Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Xulashada Daljir & Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Cali Cabdullaahi Xuseen guudlaawe Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo uu la qaadanayo Xubnaha Midowga Musharixiinta, isaga oo kala hadlaya arrimaha khilaafka doorashooyinka.

Guudlaawe ayaa waxaa uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, iyo sidii looga gudbi lahaa is mari waaga taagan oo loo xallin lahaa is mari waaga taagan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Hir-Shabeelle in uu door ka qaato xalka gaarista khilaafka doorashooyinka, sidoo kale uu iska xaliya xubnaha kasoo horjeeda Maamulkiisa.

Cali Cabdullaahi Xuseen guudlaawe ayaa shalay waxaa uu la kulmay Madaxweyn ihii hore ee Galmudug Cabdi Kariin Guuleed oo kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, iyaga oo ka wada hadlay khilaafka doorashooyinka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: