Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo codsaday in laga taageero dhaqaalaha doorashada

HomeWararka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo codsaday in laga taageero dhaqaalaha doorashada

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa u weydiistey shacabka Soomaaliyeed in laga taageero dhaqaalaha

Dowladda Britain Oo Si Rasmi ah Uga Baxaysa Midowga Yurub.
Guddoomiyaha Gobalka Sanaag: “ Beesha Caalamka waxaan u sheegaynaa in Puntland dulqaadkii uu kadhamaaday ”(Daawo)
Dowladda Somaaliya oo ka Hortagaysa Tahriibka Dhalinyaradda (dhegayso)

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa u weydiistey shacabka Soomaaliyeed in laga taageero dhaqaalaha ugu baxaya ololaha doorashada dalka.

Codsigaan oo uu soo dhigey bartisa Facebook C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ah mid ku cusub ololaha doorashooyinka Soomaaliya isagoo ku sheegay in aan loo baahneyn in taageero laga raadsado dalalka shisheeye.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay xisbiga uu hoggaamiyo inuu yahay mid ka yimid, una yimid shacabka Soomaaliyeed, uuna weydiisanayo taageero dhaqaale oo ay ku galaan ololaha doorashada dalka ka dhacaysa sanadkan.

“Waxaan ayaan daro ah in la caadeystay ku faanida taageero ajnabi iyo dhaqaale laga helo dowlado shisheeye, taasoo keentay in cid kasta oo doorashada ku soo baxda uu maxbuus u noqdo cidii taageertay go’aankeeda, anagoo ka duulayna inaan a xorowno taageerada iyo gacan hoorsiga ajnabiga ah iyo go’aankeena nalala yeesho ayaan ka waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed iney dhaqaale nagu taageeraan, qof walba uu karaankiis nagu taageero, si looga madaxbanaanaado talinta shisheeye” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Benta mahan si madaxweyne xura loohelo o danaha umada ka shaqeya dalkana dacad u ah in nafta lohuro ayey istahisha. Inigu shaqsiyan wa bixin laha.

DISQUS: