Dowladdaha Qatar & Masar oo Heshiis kala saxiixday

HomeWararka

Dowladdaha Qatar & Masar oo Heshiis kala saxiixday

Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Masar ayaa sheecisay in heshiis dib u heshiisiineyd ay la saxiixdeen dowladada Qatar, kadib markii xal laga gaaray

Qoraalka Buurta, Xafiiska Wacyigelinta: Madaxweynaha Puntland oo ku Dhawaaqay Guluf Dagaaleed
Madaxwayne Farmaajo oo Booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Kenya (sawiro)
Xulashada Daljir & Xasan Heykal, Daljir Garowe (dhegayso)

Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Masar ayaa sheecisay in heshiis dib u heshiisiineyd ay la saxiixdeen dowladada Qatar, kadib markii xal laga gaaray inta badan khilaafkii Qatar kala dhaxeeyay dalalka carbeed.

Masar ayaa sheegtay inay tixgelineyso dadaal kasta oo si daacadnimo ah loo sameeyo, si loo gaaro hehsiis u dhaxeeya dowlaaha Carbeed gaar ahaan, Sacuudiga, Masar, Qatar, Imaaraadka Caraba & Baxreyn.

“ Heshiiska waxaa uu xoojin doonaa joojinta caqabadaha ka dhex-jira dalalka Carbeed si loo helo dalal carbeed oo heshiis ah gaar ahaan kuwa uu khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Qatar ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Habeen ka hor waxaa heshiis wada gaaray dowladaha Qatar iyo sacuudiga oo in ka badan saddex Sano uu xiriirkooda xumaa, iyaga oo isku furay Bad iyo bari, waxaana heshiiskaas soo dhaweeyay inta badan wadamada Carabta.

Sanadkii 2017-kii ayaa dalalka Khaliijka waxaa ay go’doomiyeen dowaldda Qatar, ayaga oo ku eedeeyay inay taageero siiso waxa reer Galbeedka ugu yeeraan argagixisada, hayeeshee dowladda Qatar ay iska fogeeysay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: