Madaxweynaha Trump oo kordhiyay xayiraada socdaalka

HomeWararka

Madaxweynaha Trump oo kordhiyay xayiraada socdaalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kordhiyay xayiraada socdaalka ah oo hor istaagaysa codsadayaal badan oo “kaarka cagaaran” iyo shaqaale ajaan

Taliye Cabdi dheere oo kamid ah Saraakisha SSC oo faahfaahin kabixiyeey dagaalki Maanta
Soomaaliya oo Kamid Noqotay Dalalka Iran Ganacsi Xoog Leh la Leh (warbixin)
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kordhiyay xayiraada socdaalka ah oo hor istaagaysa codsadayaal badan oo “kaarka cagaaran” iyo shaqaale ajaanib ah oo ku meel gaar ah in ay soo galaan dalka, tallaabooyinka uu sheegay in loo baahan yahay si loo ilaaliyo shaqaalaha Mareykanka inta lagu guda jiro COVID 19.

Xayiraadahan oo la soo saaray bilihii Abriil iyo Juun, ayaa lagu waday inay dhacaan Dec. 31, laakiin waxaa la kordhin doonaa illaa 31-ka Maarso, 2021-ka.

Ganacsiyo fara badan ayaa ka soo horjeeda xayiraadda lagu soo rogay shaqaalaha ajaanibta qaarkood.

Madaxweynaha la doortay Joe Biden, oo xafiiska la wareegaya 20-ka Janaayo, ayaa dhaleeceeyay xayiraadaha, laakiin wali ma uusan sheegin inuu si deg deg ah uga noqon doono iyo in kale.

Trump ayaa mamnuucida ku soo saaray qaab ku dhawaaqida madaxweynaha oo si dhakhso leh wax looga qaban karo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: