Dowladda Itoobiya oo guulo waaweyn ka sheegatay dagaalka ka socda dalkaas

HomeWararka

Dowladda Itoobiya oo guulo waaweyn ka sheegatay dagaalka ka socda dalkaas

Ra’isulwasaare ku xigeenka itoobiya ahna wasiirka arimaha dibadda Demeke Mekonnen ayaa sheegay in howlgalka ka socda gobalka Tigray ee waqooyiga itoob

Warka Arooryo iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir cWaaq (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ra’isulwasaare ku xigeenka itoobiya ahna wasiirka arimaha dibadda Demeke Mekonnen ayaa sheegay in howlgalka ka socda gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya laga sameynayo horumar dhaqso ah.

Badbaadada shacabka ayaa waxa uu sheegay in ay ahmiyada koowaad siinayaan inta lagu gudo jiro howlgalka.

Demeke Mekonnen wuxuu tilmaamay in dowladu gargaar bani’aadanimo ka wado meelaha laga xoreeyay TPLF ee gobalka.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyada oo Qaramada Midoobe iyo Hay’adaha gargaarka walaaca ka qabaan xaalada dadka rayidka ah ee ku nool gobalka tigreega .

Waxaa jira eedeymo sheegaya in gabood falo dagaal ay ka dhaceen galbeedka Tigray oo dad shacab ah lagu laayay.

Dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya oo galay maalinkii 12-Aad waxaa uu sababay barakac xoog leh .

Dalka Sudan Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in maalinkii ay gaaraan dad ku dhow 4,000 oo colaada ka baxsanaya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: