QM oo soo dhaweysay Ansixinta RW Rooble

HomeWararka

QM oo soo dhaweysay Ansixinta RW Rooble

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweymeyso, isla markaa

Wasiirka Maaliyadda “Dabagal ayaan ku samaynaynaa Dhaqaalaha Soo gala Safiiradeena Caalamka”
Xulashada Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Maxay ka wada hadleen wasiirka warfaafinta Soomaaliya iyo dhiggiisa Jabuuti?

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweymeyso, isla markaana ay hambalyo u dirayso Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble oo maanta codka kalsoonida ka helay Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Bahda Qarmada Midoobay ayaa hambalyo diiran u diraysa Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah u xaqiijiyay inuu yahay Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya, waxayna u rajaynayaan guul xilli uu bilaabayo doorkiisa hoggaamineed ee muhiimka ah waqtigan xasaasiga u ah Soomaaliya, waxayna Qaramada Midoobay ballan qaaddaysaa inay garab istaagayso, iskaashina la samaynayso Ra’iisul Wasaaraha cusub”.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu si deg deg ah u soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada, isla markaana uu horgeeyo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: