Taliyaaniga oo mashaaric hormarineed ka tageeraya Galmudug

HomeWararka

Taliyaaniga oo mashaaric hormarineed ka tageeraya Galmudug

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Safiirka ku xigeenka Dowl

Ciidanka DFS oo gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Alshabaab
Warka Fiidnimo iyo Xasan Haykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Safiirka ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya H.E Fabio.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la wadaagay Safiir Ku xigeenka guulaha muhiimka ah ee maamulka cusub gaar ahaan natiijadii dhowaan ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3 ee u dhexeeyay madaxda DFS & Dowlad Goboleedyada.

labada mas’uul waxay diirada saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadida amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay wado dowlada talyaaniga, taas oo kor u qaaday nolosha dad badan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada weyn ee ay qabteen hoggaanka cusub ee Safaaradda isagoo ballan qaaday in Galmudug si dhow ula shaqeyn doono.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: