HomeUncategorized

SAWIRRO-Shir looga hadlayo ammaanka badda Puntland oo Garoow ka furmay.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray shirweyne looga arrinsanayo ammaanka badda Puntland.

Sheekh Cabdul-Xaq oo Kitaabka Alle Dadka ku Daweeya gudaha Bosaaso
Dawladda Federaalka oo heegan galisay ciidankeeda, codsatayna in cunaqabataynta hubka laga qaado Somaliya.
Shir loogu arrinsanayo geedi socodka dimuqraadiyadda iyo taaba gelinta dastuurka Puntland oo loo qabtay bulshada raydika ee Bari iyo Karkaar

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray shirweyne looga arrinsanayo ammaanka badda Puntland.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda dowladda Puntland ayaa waxaa taageeraya urur goboleedka IGAD oo gacan kahelaya midowga reer Yurub.

Mudada uu socdo shirkaani oo dhan saddex cisho ayaa waxaa ka qaybgelaya dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha ay qusayso ee Puntland iyadoona looga doodi doono sidii looga shaqayn lahaa ammaanka iyo horumarka badda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey  oo daahfuray shirkaani ayaa uga mahadceliyey EU iyo IGAD taageerada ay siiyeen Puntland, wuxuuna tilmaamay in loobaahan yahay in Puntland lasiiyo gacan dheeraad ah maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer Soomaaliya.

Dhanka kalena madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in xilligaan howlgalkii ladagaalanka burcad badeedu uu dhammaaday loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii xeebaha looga saari lahaa maraakiibta shisheeyo oo jariif iyo wasakhayn kuhaya xeebaha Puntland.

SAWIRRAD

IMG_2310IMG_2311IMG_2312IMG_2313IMG_2314IMG_2315IMG_2316IMG_2317IMG_2318IMG_2319IMG_2321IMG_2322IMG_2323IMG_2324IMG_2325IMG_2326IMG_2328IMG_2329IMG_2330IMG_2331IMG_2332IMG_2334IMG_2335IMG_2337IMG_2338IMG_2340IMG_2342IMG_2346IMG_2347IMG_2348IMG_2349

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: