Xukumadda Somaaliya oo baaraysa qaabki uu u dhacay weerarkii Hoteel Elite

HomeWararka

Xukumadda Somaaliya oo baaraysa qaabki uu u dhacay weerarkii Hoteel Elite

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay laamaha amniga dalka. Kulanka oo looga hadlay adkeyn

Madaxweynaha Somaliland oo Ceerigaabo gaaray (Warsaxafadeed)
Dab ka kacay Taywanka cusub gaar ahaan Xaafadda 7aad ee Magaaladda Jigjiga (Daawo)
23ka Abriil: Maalinta caalamiga ee buugga & xuquuda qoraalka

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay laamaha amniga dalka.

Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mudane Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii Argagaxiso ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, waxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo.

Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo xasilooni waarta ayaa laamaha amniga iyo guud ahaan ciidanka qaranka ku sameysay dib-u-habeyn ballaaran si ay awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadka ka saaran ilaalinta mawaadiniinta iyo hantidooda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: