Xasan Abshir Faarax oo Raysal wasaare kasoo noqday dalka ayaa geeriyooday

HomeWararka

Xasan Abshir Faarax oo Raysal wasaare kasoo noqday dalka ayaa geeriyooday

Allaha ha u raxmadee waxaa maanta ku geeriyooday wadanka Turkiga marxuum Xasan Abshir Faarax oo raysal wasaare kasoo noqday Soomaaliya intii u dhaxays

Warka Fiidnimo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Maxaa u Qabsoomay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya (dhegayso)
WARARKII UGU DAMBEEYEY CAASIMADA DALKA & WARBAAHINTA DALJIR

Allaha ha u raxmadee waxaa maanta ku geeriyooday wadanka Turkiga marxuum Xasan Abshir Faarax oo raysal wasaare kasoo noqday Soomaaliya intii u dhaxaysay 2001dii ilaa 2003dii, waxaana muddooyinkii u dambeeyey uu ku xanuunsanayay wadanka Turkiga.

 

Marxuumka ayaa waxaa soo qabtay xilal kalle duwan oo ay ka mid yihiin duqa magaalada Muqdisho, wasiirka arrimaha gudaha Puntland iyo xildhibaan dowladda faderaalka ah.

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo katacsiyadeeyey geerida marxuumka  ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Xasan Abshir uu kaalin muhiim ah ka qaatay dib-u-dhiska dalkeena, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

“Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo” ayuu yiri RW Kheyre.

1945tii ayuu ku dhashay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: