Madaxweynaha Galmudug oo gudoomiyeey Shirka Amniga

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo gudoomiyeey Shirka Amniga

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug State mudane Cali Dahir Ciid ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Galmudug oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Xasan sheekh iyo sheekh shariif oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug State mudane Cali Dahir Ciid ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Galmudug oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Maaliyada, La taliyaha Madaxweynaha Galmudug ee Dhanka Amniga iyo Saraakiisha Hay,ada Nabadsugida heer Galmudug saraakiisha Booliska ayaa waxaa diirada lagu saaray sare uqaadida amniga guud ee Galmudug iyo kan gaar ahaan Caasimadda Galmudug oo marti galinaysa Shirweynaha Dhusamareeb One.

Gunaanadka shirka Madaxweyne Cali Ciid ayaa faray laamaha Amaanka Galmudug in ay si weyn u adkeeyaan Amniga Caasimadda iyo degaanada ku xeeran.

Galmudug ayaa 9 ka Bisha June martigalinaysa Shir dhexmaridoona Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed waxana Shirkaasi la saadaalinaya in uu Gogol xaar u noqdo qabsoomida Shirka Amniga Qaranka .

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: