Madaxweynaha DFS oo khudbad ka jeediyeey daahfurka wada hadallada DFS iyo Somaliland

HomeWararka

Madaxweynaha DFS oo khudbad ka jeediyeey daahfurka wada hadallada DFS iyo Somaliland

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka mar kale ka qeyb galay daahfurka wada hadallada DFS iyo Somaliland ayaa kula dardaarmay

Wacaal darey ah: Guddiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo kuxigeenadiisa oo lagu dhawaaqay (dhegayso)
PSF: “Howlgalkii Balidhidin waxaan ku dilnay 20 kamid ah kooxda Daacish”
LAASCAANOOD oo tababar loogu soo xiray ciidamo Boolis ah oo suga amniga gobolka Sool

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka mar kale ka qeyb galay daahfurka wada hadallada DFS iyo Somaliland ayaa kula dardaarmay Guddiyada Farsamada ee labada dhinac in ay ka mira dhaliyaan wada hadallada.

“Shirkan inshallaah waxaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, 30 sano waan wada joognay, 30 sano waan kala maqnayn, 30 sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal ah!”

“Annagu waan idin siinnay kalsoonidayada dadkii ugu aqoonta badnaa ayaad tihiin Soomaalida, waxaa loo baahanyahay in aad ka fakartaan mustaqbalkeenna soddonka sano ee soo socda, waxaan idiin rajaynaynaa guul, waxaan idiin rajaynaynaa is afgarad walaaltinimo ku dheehan.”

Madaxweyne wuxuu goor dhaw u duulayaa magaalada Muqdisho, waxaana wada hadallada garwadeen kasii noqonaya RW Xasan Cali Khayre, xubnaha Golaha Wasiirada ee la socda iyo Guddiga Farsamada ee DFS ku matalaya wadahadalladan.

Hoos kaga bogo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: