HomeUncategorized

DHEGEYSO-Qaar kamid ah kuraasta aqalka hoose ee Galmudug oo laysku haysto.

Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado oo Muddooyinkii Dambe la curyaantay is qabqabsiga Beelaha iyo Musuqmaasuq la sheegay in lagu sameeyay Doorashada ayaa waxaa hadana wali isa soo taraya Is jiid jiid u dhaxeeya Beelaha qaar oo lagu mideeyay Lahaanshaha Hal kursi.

Wafti ka socday dawlada federaalka ah oo tababar u joogay Puntland oo ka dhoofay madaarka Garowe.
Xisbul-Islaam oo amaro ku soo rogay Beledweyn oo ay ka arrimiyaan.
DHAGAYSO: Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole oo wali ku sugan Hargaysa

Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado oo Muddooyinkii Dambe la curyaantay is qabqabsiga Beelaha iyo Musuqmaasuq la sheegay in lagu sameeyay Doorashada ayaa waxaa hadana wali isa soo taraya Is jiid jiid u dhaxeeya Beelaha qaar oo lagu mideeyay Lahaanshaha Hal kursi.  

Afar kamid ah Beelaha Dega Deegaanada waqooyiga ayaa la sheegay in laga dhaxaysiiyay Hal kursi taasi oo keentay is qabqabsi ku aadan beesha Kursigaas yeelanayso.  Labo kamid ah Beelahaas ayaa ka aamusan wallo uu jiro loolan iyo cabasho is daba Joog oo kasoo yeereysa Labada beel kale.  

Nabadoon Axmed Cabdi Nuure waxa uu ka mid yahay labada Beel ee Hadda isku haya Kursiga waraysi uu siiyay Radio Daljir ayuu ku sheegay in marnaba Beeshooda aysan tanaazulayn.  

Dhinaca Kale Suldaan Axmed Xuseen Xasan oo ka mid ah waxgaradka Beesha kale ee sheeganaysa Kursigaasi oo isna la hadlay Radio Daljir ayaa ku doodaya in Kursiga iyaga ay leeyihiin isla markaana beesha qaylinaysa ay u adeegayso Galmudug oo uu sheegay in ay doonayso musqmaasuq lagu sameeyo Kursigaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: