Sarkaal ka tirsan Ciidamadda dowladda oo Qarax ka badbaaday

HomeWararka

Sarkaal ka tirsan Ciidamadda dowladda oo Qarax ka badbaaday

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu barqanimadaan ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee Banaadir deg

FALCELISKA BULSHADA | Shacabka Gaalkacyo oo ka falceliyey jadwalkii doorasho ee ay soo saaren Dallada Mucaaradka Puntland
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo Newyork kula kulmay diblumaasiyiin
Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu barqanimadaan ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee Banaadir degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa waxaa ay sheegeen goobjoogayaal in uu ahaa mid lagu xiray gaari nooca Toyota Hilux (Qooqan) oo uu leeyahay taliyaha hoggaanka Caafimaada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxaas,waxaana la sheegay in uu ku dhintay hal askari Saddex kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo kamid ahaa ilaalada Taliyaha,sidoo kalena uu badbaaday qaraxaasi taliye Cali Gaab.

Ciidamada Booliska ee ku sugan Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa muddo hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka markii uu qaraxa dhacay,hayeeshee ay dib u fureen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: