Ciidamadda Dowladda oo Miino baaris ka wada Shabeelaha Hoose

HomeWararka

Ciidamadda Dowladda oo Miino baaris ka wada Shabeelaha Hoose

Howlgalka waxaa laga fuliyay waddada xiriirisa deegaanka Janaale iyo magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana saraakiisha Ciidamada ay she

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Tamarta dowladda Soomaaliya iyo wafdigii ka socda hay’adda IOM ?
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)

Howlgalka waxaa laga fuliyay waddada xiriirisa deegaanka Janaale iyo magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay ku aaseen miinooyin aad u badan Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka, Janaraal C/xamiid Maxamee Dirir, ayaa howlgalka hogaaminayay, waxayna ciidanka ku guuleysteen in miinooyinkaas ka soo saaraan waddada isla markaana qarxiyaan.

Taliyaha ayaa sheegay in intii lagu jirey howlgalka in ciidanka socod lug ah ku mareen deegaanka Buufow Bacaad oo u dhexeeya Marka iyo deegaanka Janaale.

U jeedada howlgalkan ayaa taliyaha ciidanka dhulka waxaa u sheegey in ay xaqiijiyaan amniga deegaanada u dhexeeya Janaale iyo degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: