Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ka geystay Kuunyo Barow

HomeWararka

Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ka geystay Kuunyo Barow

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn in duqeyn hor leh ay ka geysteen shalay degaanka Kuunyo Baroow ee gobolka Shabee

Puntland oo fasaxday shaqaalaheeda Maalmaha xoriyadda Awgeed (Akhriso)
Warka Duhurnimo iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (daawo)
Golaha Deegaanka Degmada Garoowe oo la dhammaystiray lana dhaariyey (dhegayso)

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn in duqeyn hor leh ay ka geysteen shalay degaanka Kuunyo Baroow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa wuxuu sheegay duqeyntan oo lala beegsaday saldhig ururka Al Shabaab ay leeyihiin in lagu dilay xubin ka tirsan Al Shabaab.

Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay duqeyntan oo ay garab ka siiyeen ciidanka gaarka ah ee Kummaandooska Soomaaliya inaan qof shacab ah lagu waxyeeleyn, maadaama bartilmaameedka uu ahaa mid qorsheysan.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka.

Al Shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay saraakiilna looga dilay duqeymo kala duwan oo ka dhacay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: