Sacuudiga oo amar ku bixiyey In la soo xiro fanaanadda Ayasel Slay

HomeWararka

Sacuudiga oo amar ku bixiyey In la soo xiro fanaanadda Ayasel Slay

Dowladda Sacuudiga ayaa amar ku bixisay in la soo xiro fanaanadda caanka ah ee Ayasel Slay, kadib markii ay qaaday hees cusub oo ay ugu magac dartay m

Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed “Tallman” Daljir Bossaso (dhegayso)
ISHORTAAGII TPEC EE DANGOROYO: Wixii shalay ka dhacay Dangorayo waa danbi & khalkhalgalin amni
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Dowladda Sacuudiga ayaa amar ku bixisay in la soo xiro fanaanadda caanka ah ee Ayasel Slay, kadib markii ay qaaday hees cusub oo ay ugu magac dartay magaalada barakaysan ee Mecca .

Fanaanadda ayaa qaaday hees raab ah, taasi oo la soo dhigay barta youtub-ka, isla markaana carro xoogan ku abuurtay xukuumadda Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in fanaanadda ay meel kaga dhacday sumcaddii, qiyamkii iyo magaalada barakaysan ee Mecca, maadama ay ku heystay magaca magaalada barakaysan ee Mecca.

Qaar ka mid ah baraha youtube-ka ee Sacuuciga oo markii hore la soo dhigay heesta ayaa laga saaray.

Boqorka magaalada Mecca Khalid bin Faisal ayaa dhankiisa sheegay in la ciqaabi doono dhammaan dadkii ka qeyb qaatay sameynta iyo baahinta heestaasi.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: