HomeUncategorized

AKHRISO WARMURTIYEED laga soo saaray Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho

Shirkii ka bilowdey 5 Sebteember magaalada Muqdisho ee ay lahaayeen Madasha Sare ee Hoggaanka Qaranka ayaa si rasmi ah loo soo afmeeray, waxaana shir saxaafadda loo qabtey War-murtiyeedkii ka soo abxay akhriyey Afhayeenka Madaxtooyada Da’ud Aweys.

DHEGEYSO-Siciid Faarax Yare oo buug ka qoray General Maxamed Cali Samatar.
Puntlad oo ardayda dugsiyada sare ugu baaqday in ay Jaamacadaha dalka wax ku bartaan (Dhegeyso)
Taliyihi hore ee Ciidamada Milatariga Burundi oo la Dilay

Xafladdii soo xiritaanka shirka waxaa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud, Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Adam iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas, waxaa ka maqnaa Raysalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

War murtiyeedka waxaa ugu muhimsanaa, in Aqalka sare loo daayey sidii lagu heshiiyey shirkii 12 Abril ee Mqudisho taas oo tiradu ahayd mid waafaqsan dastuurka oo ah 54 Xildhibaan, Waxaa kamid ah qodobada la isku raacay in doorashadu waqtigeedi ku dhacdo, sidoo kale Madashu waxay ansixisay in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble yahay duubka Beesha Xawaadle uga jira liiska asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135 ta, maadaama ay beeshiisu si rasmi ah u caleema saartay, waxaana lagu beddelay Cumar Ugaas.

Madasha ayaa ugu danbeyn dhistey guddiga amniga qaranka oo ay ku iraan, Madaxda federaalka oo ay ku jiraan, Wasiirada Caddaaladda, Amniga, gaashaandhigga iyo Maaliyadda, iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada

Hoos ka akhri War murtiyeedka oo sidiisi ah:

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: