Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay sharciga Saxaafadda Soomaaliya

HomeWararka

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay sharciga Saxaafadda Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay sharciga Saxaafadda Soomaaliya,kaasi oo ay hor geysay w

Suldaan Cali Siciid Cawl “Xumaan cid qabiil ku meteshaa majirto,(Daawo)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyadda Muqdisho oo xilka la wareegay

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay sharciga Saxaafadda Soomaaliya,kaasi oo ay hor geysay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ka qeybgalay maanta wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda.

Kadib dood dheer oo goluhu uu ka yeeshey sharcigaasi warbaahinta iyo sidii loo ansixin lahaa ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa ay isku raaceen in si rasmi ah loo meel mariyo.

Sharcigan oo muhiimad gaar ah u leh warbaahinta dalka waxaa horey u soo ansixiyay xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: