HomeUncategorized

Gudiga qabanqaabada aaska general M. C. Samatar oo shiray.

Muqdisho, Aug 23 2016--Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxariistee Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Soomaaliya, S/Guud Maxamed Cali Samantar.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo codka kalsoonida ka helay barlamaanka.
Galkacyo oo lagu soo rogay bandow xilliga habeenkii iyo bileyska oo lagu adkeeyey in ay xiraan ciddii jabisa amarka dawladda. [Akhris …]
2 qof ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka Beledweyn.

Muqdisho, Aug 23 2016–Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxariistee Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Soomaaliya, S/Guud Maxamed Cali Samantar.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in hawlaha qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo General Samantar ay si wanaagsan u socdaan, isla markaana calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo muddo saddex cisho ah oo caawa ka bilaabanaysa, iyadoo lagu maamusayo, laguna sharfayo marxuumka.

S/Guud Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Ku-Xigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Difaaca ka soo noqdey xukuumaddii militariga Soomaaliya ayaa dhowaan ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in dhowaan aas qaran loogu sameeyo dalkiisa hooyo.

———————————–DHAMMAAD—————–————–

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: