AMISOM oo sheegtay in ay Gacan ka geysan doonto amniga doorashada  Soomaaliya ee 2020/2021

HomeWararka

AMISOM oo sheegtay in ay Gacan ka geysan doonto amniga doorashada Soomaaliya ee 2020/2021

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go'an tahay xaqiijinta in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho madax

Wacaal Daray ah: Ciidamada amaanka Bosaaso oo fashiliyay qarax (dhegayso)
TPLF OO CIIDAMADA KU CELINAYA XUDUUDAHA GOBOLKA TIGREEGA
Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman (dhegayso)

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay xaqiijinta in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho madax bannaan si nabad ah Sannadka 2020/2021.

Augustine Magnus Kailie, oo ah Taliyaha Ciidanka Boliiska AMISOM ayaa u sheegay Bulshada rayidka ah, wakiillada Xisbiyada siyaasadeed iyo guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC), in AMISOM oo kaashaneysa daneeyayaasha Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay Gacan ka geysato sidii ay u dhici lahayd doorasho Qof iyo Cod ah si xor iyo xalaal ah.

Kailie, ayaa sheegay in hoggaanka Soomaaliya ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ka guuraan qaabkii hore ee awood qaybsiga Qabiilka ee 4.5 si loo qabto doorasho Qof iyo cod ah iyaguna ay door ka qaadan doonaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo ballaaran ugu jirta in ay Dalka ka qabsoonto doorasho Qof iyo cod ah 2020/2021-ka, iyadoo dhinaca kalana howl-gallo baaxad leh oo lagu xaqiijinayo ammaanka ka waddo Gobollada Dalka

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: