Waare oo iscasilay iyo Musharaxiinta gudoonka baarlamaanka oo khudbadahooda jeedinaya  (Akhriso)

HomeWararka

Waare oo iscasilay iyo Musharaxiinta gudoonka baarlamaanka oo khudbadahooda jeedinaya (Akhriso)

Madaxweynihii Maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa iska casiley xilkaasi. -Sida uu ku shaaciyey Twitter-kiisa. Waare wuxuu sheegey in u

Qaraxa Bossaso: Waraysi Taliyaha Qaybta iyo Wararkii ugu Danbeeyey ee Ismiidaaminta
Falanqayn Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dardargelinaya Helitaanka Maalgashi Caalami ah (DHEGAYSO)
Xulashada Daljir & Xasan Baashe, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynihii Maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa iska casiley xilkaasi. -Sida uu ku shaaciyey Twitter-kiisa.

Waare wuxuu sheegey in uu isu casiley kaddib markii la ‘qaadan waayey’ talooyin uu soo jeediyey oo ahaa in muddo bil ah dib loo dhigo doorashada maamulkaasi, maadaama ay dalka ka jirto doorasho Qaran.
Iscasiladda Waare ayaa imanaysa xilli uu dhammaaday muddo xileedkiisu.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa maanta hortagaya musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen.

Ilaa iyo 6 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen, kuwaas oo Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle.

3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Diiiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: