Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xasiloonida deegaanada la xoreeyey

Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xasiloonida deegaanada la xoreeyey

Todobaadkii aan soo dhaafnay magaalada Laascaanood iyo deegaanadii kale ee ciidamada difaaca SS-Khaatumo ay ku sugnaayeen ama ay hulaalayeen waxaa laga dareemayaa xasillooni kooban. Xasiloonida ayaa loo sababayaa roobabkii Gu’ga oo seegseeg ku noqday magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda, adkeeyeyna dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Dhanka Somaliland oo ayagu mar kasta weerar ahaa, waxaa isku kaashaday roobabkii Gu’ga iyo ciidamada difaaca SSC-Khaatumo oo aad u adkeeyey in sahaydii iyo shidaalkii ciidamada Somaliland soo gaadhaan Goojacade, saldhigga ugu weyn ee ciidamada Somaliland ay Sool ku leeyihiin.

Culayska roobabka Gu’gu saameyn xoog leh ayuu sidoo kale ku yeeshay ciidamada difaaca SSC-Khaatumo, waxaana weli culays xoog leh saaranyahay waddada isku xidha Laascaanood iyo Garoowe, dhanka Maraaga, oo weli ciidanka Somaliland ay haystaan, sababtayna in wareeg dheer loo maro dhanka Garoowe, dhan shidaal iyo dhan sahayba.

Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed

Waxaa todobaadkan soo noolaaday rajo laga qabey in wadahadal laga yeesho arrimaha colaadeed ee gobolka Sool, taas oo inta badan beesha caalamku ay gadhwadeen ka tahay. Madaxda dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa looga yeedhay Muqdisho, taas oo buuq iyo shaki ka dhex abuurtay bulshada SSC, maadaama aysan jirin wax kalsooni ah oo bulshada SSC ay ku qabaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamsa Cabdi Barre.

Madaxdhaqameedka SSC ee la filayo in ay maalinta berri ee Axadda wajahaan Muqdisho ayaa kala ah Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Ugaas Maxmuud Ugaas Cabdillaahi, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed iyo waliba Suldaan Mustafe aw-Seed oo isagu maantadan ka degey magaalada Muqdisho.

Inkasta oo maanka bulshada aysan ku badneyn rajada ay Muqdisho kala imanayaan madaxdhaqameedka SSC, ayaa haddana dad yari waxa ay qabaan in wadahadal kasta oo la galaa keeni karo natiijo wanaagsan oo xitaa haday xumaato go’aan laga qaadan karo.

Amniga Laascaanood

Magaalada Laascaanood waa xero ciidan. Marka aad soo gasho waxaad isla markiiba arkeysaa oo dareemaysaa in aad xero ciidan dhex marayso, wayna yartahay in indhahaagu qabtaan dad shacab ah oo aan hubaysnayn. Indhahaagu waxa ay qabanayaan gabdhaha Jamaahiirta SSC oo tuutaysan, qoriga AK-47-kuna garabka u suranyahay. Waa gabdho ka garab-dagaalama ciidamada difaaca, siiba dhanka taakuleynta.

Dhanka ammaanka, maalmahaan waxaa isa soo taraya dhawaaqa rasaas ka dhaceysa magaalada dhexdeeda, siiba xilliyada saqdadhexe, ayna sabab u tahay, sida dadka badankiisu rumaysanyihiin, khamri ka soo gala dhinaca galbeedka, ahna waddada kaliya ee si toos ah ugu furan magaalada Laascaanood. Khamriga joogtada u soo galaya magaalada ayaa walaac ku haya bulshada SSC, welina ciidanka Booliska ee Laascaanood aysan xal u helin.

Ciidanka Booliska Laascaanood oo lagu amray in ay xidhaan waddada keliya ee magaalada ka soo gasha dhinaca galbeed, ahna tan kaliya ee shixnadaha Khamrigu soo maraan, ayaa fulinta awaamiirtaas ku guuldareystay. Dhaliisha ayaa sidoo kale dul-hoganaysa Guddiga 33-da ee haya talada SSC-Kaatumo oo aan weli dhankooda xal u helin dhaliisha Booliska magaalada.

Diiwaanka Daljir | Laascaanood

FG: Mawduucaan “Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xasiloonida deegaanada la xoreeyey” waa joogto, waana asbuuc walba. Fadlan nala wadaag wacaal iyo falcelisba.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com