Taabit Cabdi oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Taabit Cabdi oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta si rasmi ah xilka looga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay Taabid Cabdi oo horey u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, sidoo kale soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Xiligii Xasan Sheekh.

Xil ka qaadista gudoomiyihii hore iyo magacaabista gudoomiyaha cusub ee gobolka Banadir ayaa lagu meelmariyey kulan ay maanta yeesheen golaha cusub ee wasiirada Soomaaliya ee dhowaan la meelmariyey.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabit ayaa kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale qeyb weyn ku lahaa Ololihii uu kusoo baxay Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Tabait oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale qaraabo dhaw la ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna qabaa gabar uu abti laxmi ah u yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com