RAADREEB: Midnimada Soomaaliya iyo qodobada shirkii beesha Warsangeli ee “Hadaaftimo 30 Siteenbar 1992”

RAADREEB: Midnimada Soomaaliya iyo qodobada shirkii beesha Warsangeli ee “Hadaaftimo 30 Siteenbar 1992”

Gabagabadii dagaalkii sokeeye ee ka biloowday waqooyiga Soomaaliya sannadkii 1988 dhammaadayna bishii Maarso ee sannadkii 1991 kana biloowday duullaankii Jabhadii SNM ee beesha Isaaq ay ku soo duushay deegaanada Sanaag ee beesha Warsangeli iyo rogaal-celiskii iyo isdifaacii beesha ayaa waxgaradka deegaanku waxa ay u dhaqaaqeen nabadeyn qaadatey illaa iyo sannad iyo bar, kuna dhamaatay midnimada beesha iyo is afgarad buuxa.

Marxaladdaas dagaal kabacdi, waxaa hadana bartamihii 1992 gobolka Bari khaasatan deegaanka Qow isku urursadey ururkii Al-Itxaad Al-Islaamiya oo waxyar kaddib isku balaariyey gobolada Bari iyo Sanaag, keenayna marxalad dagaal oo horleh. Saas oo ay xaaladi tahay, waxgaradka reer Sanaag ayaga oo dareensan khataraha soo fooleh waxaa si degdeg ah loogu dhaqaaqey qabanqaabada kulan ballaaran oo ka dhaca fadhiga Saldanada beesha ee Degmada Hadaaftimo.

Shirku waxa uu biloowday bishii Siteenbar 1992, waxa uuna lahaa laba hadaf oo aan kala dhicin, kalana ahaa:

1- Go’aan ka qaadashada dhawaaqii SNM-ta (beesha Isaaq) ee ahaa in ay Soomaaliya ka go’een

2. Kahortagga duullaanka jabhadda Al-Itixaadka  Al-Islaamiya

Qodobka 1aad waxgaradkii matalayey beelaha Warsangeli waxa ay isla meel dhigeen in MIDNIMADA SOOMAALIYA ay MUQADDAS tahay, aysan oggolayn kala go’a Soomaaliya. Waxa ayna nabad iyo wada noolaansho ugu baaqeen qabiilada kale ee Soomaaliyeed ee dega Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Hadafka midnimada Soomaaliya waxaa si cad u qeexay marxuum Ismaaciil Suldaan Maxamuud Cali Shire oo ahaa Afhayeenka Saldanada Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire.

Farriinta Midnimada Soomaaliya ee ka soo baxday shirka waxaa farta laga saarey safiirkii hore ee Maraykanka u joogay Soomaaliya, Robert Oaklay, kaddib booqashadiisii magaalada Badhan horraantii 1993.

Hoos ka daawo

Ujeedka 2aad ee Shirkii Hadaaftimo ee 1992 ayaa asna ahaa sidii looga hortagi lahaa khataraha ka soo fooleh Jabhadii Alitixaad Al-Islaamiya, waxaana shirka laga soo saaray go’aano adag oo looga hortagayo Al-Itixaadka, gobolkana lagu galiyey “Xaalad Dagaal,” ayada oo taliska ciidamada iyo difaaca gobolka loo dhiibey Janaraal Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir.

HALKAN RIIX oo ka bogo qodobadii shirkii beesha Warsangeli ee Hadaaftimo 30 Sept 1992.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abti yariisoow 6 years ago

    Waan garanay bal ma cidbaa adinku
    Haysata arintaa hadii ay jirto
    Yeynan hada iyo inxun inaga iyo
    Kuea shidaynaya warsangeli aynaan sinaba isuseegin waa sida sy tahay
    Dadoow( ………….) ?ina keena waryaarda

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com