HomeUncategorized

Puntland oo sheegtay in ay Somaliland weerar ku soo qaadeen dagmada Tukaraq, Sool; dawlada federaalka ahna ku eedaysay in ay ku lug leedahay.

Garowe, May 30 - Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar oo ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen dagmada Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

Ardayda Puntland ee dalka China oo baaq xabad joojin ah ka soo saaray colaada Galkacyo.
DHEGEYSO-Madaxweyne Ku-xiegenka Galmudug oo baaq u diray Puntland.
Ciidamada booliska Australia ayaa sheegey in afar ruux oo shalay laga qabtay magaaala Sydney ee waddankaas ay qorshaynayeen in weeraro ismiidaamin ah ku qaadaan xero ciidamada milatariga dalkaas ay ku leeyihiin duleedka Sydney.

Garowe, May 30 – Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen dagmada Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

Md. Askar waxaa uu sheegay in maamulka Somaliland uu daan daansi dagaal in dhawayd ka wadey dagmada Tukaraq, saakana ay dagaal buuxa soo qaadeen.

Wasiirka oo shir jaraa’id caawa ku qabtay madaxtooyada Puntland ayaa intaasi ku daray in ay cidamada Puntland ka dhaawacmeen ilaa iyo sadex askari, aanayse jirin wax khasaare dhimasho ah oo soo gaaray; waxaa uu sheegay in ay ka qabsadeen ciidamda Somaliland gaari kuwa nooca dagaalka ah.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday khasaaraha dhinaca kale ee Somaliland ka soo gaaray dagaalka.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey dawlada federaalku in ay ku lug leedahay dagaalka maanta ka dhacay degmada Tukaraq ee gobolka Sool, walow aany tafasiil ka bixin sida ay ugu lug leedahay.

Mar saxaafadu waydiisay Md. Askar cida gacanta ku haysa goobtii uu dagaalku ka dhacay ayuu sheegay in ay ciidamada Punland goobtaasi ay joogaan, islamarkaana dib loo celiyey ciidamadii Soomaaliland ee weerarka soo qaaday.

Md. Askar ayaa sidoo kale sheegay in ay saaka qabteen sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland, uuna sheegay in sahan u ahaa ciidamadaasi ka hor inta aan dagaalku dhicin.

Dagaalka ayaa cabsi laga qabaa inuu dib u bilawdo berri, kuna fido deegaano kale oo ka mid ah gobolka Sool, iyada oo ay haatan ciidanku isku horfadhiyaan deegaanak Higlada oo 9km dhanka galbeed ka xigta degmada Tukaraq.

Cabdiraxmaan Xuseen Xasan ‘Gaardi’,
Daljir, Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: