Puntland: Dilayaashii Wariyayaasha oo xukun dil ah lagu ridey

Puntland: Dilayaashii Wariyayaasha oo xukun dil ah lagu ridey

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland oo qaabilsan  gobolada mudug iyo Cayn ayaa maanta (2-May-2021)  xukun dil ah ku ridey 18 kamid ah  Alshabaab  kuwaasoo u qaabilsanaa qorsheynta dilalka iyo qaraxyadi lagu gumaadey bulshada magaalada Galkacyo 13 sano ee laso dhaafey.
Maxkamada Ciidamada ayaa sidoo kale xoriyadooda u celisey 4 qof oo marki hore lagu soo eedeeyey in ay Alshabaab ka tirsan yihiin balse lagu waayey wax danbi ah.
https://www.facebook.com/107765891273542/videos/1184507595334305
Horjoogayaasha xukunka lagu ridey waxaa kamid ah  Sahal Maxamed Jaamac oo qirtay inuu gacantiisa ku diley dad badan oo uu kamid ahaa Wariyihii Radio Daljir Cabdirsaaq Cali Cabdi Silver 0o Gaalkacyo lagu diley November 16, 2014, Sahal ayaa muuqaal laga duubay ka hor intaan la xukumin ku qirtay dilka Wariye Silver.

Dilaaga Wariye Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver) November 16, 2014 | kani waa gacan kudhiigle Sahal

Qirashada Sahal ee dilka Wariye Silver 

Sidoo kale dadka la xukumay Waxaa kamid ahaa Jaamac Muriidi oo qirtay inuu diley wariye Farxaan Jeemis Cabdille oo katirsanaa warbaahinta Daljir kaasoo Gaalkacyo lagu diley May 02, 2012, Muriidi ayaa mudo la shaqaynayey Kooxda Al-shabaab wuxuuna qirtay inuu kooxda mudo ka tirsanaa.

Dilaaga diley wariye Farxaan Jeemis Cabdille May 02, 2012 | Kani waa Jaamac Muriidi

 

Radio Daljir wuxuu dalbanayaa in la marsiiyo ciqaabta ay mudan yihiin kuwa ay ku cadaatay inay dileen wariyayaasheeda oo ahaa dad aan waxba galabsan Islamarkaana u adeegi jirey bulshada si ay runta ugu soo gudbiyaan.

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com