Muxyadin Xaaji Abiib oo xabsiga la dhigay kaddib markii uu kahoryimid in Oromo la dejiyo Tuli Guuleed

Muxyadin Xaaji Abiib oo xabsiga la dhigay kaddib markii uu kahoryimid in Oromo la dejiyo Tuli Guuleed

Muxiyadiin Xaaji Abiib oo kamid ah oday-dhaqameedka degmada TULI GUULEED ayaa maanta xabsiga loo taxaabay kaddib markii uu si aan gabbasho laheyn uga hadlay dhibaatada lagu hayo shacabka deegaanka Tuli Guuleed iyo barakacinta ku socota bulshada.

Oday Muxyadin oo ay weheliyaan waxgaradka iyo odayaasha Tuli Guuleed ayaa diiday, kana soo horjeestay waxa ay yiraahdeen waa “awaamiir qaldan oo uu bixiyey Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar” uuna ku amray in degmada Tuli iyo deegaanka Tuli Guuleed la soo dajiyo shacab Oromo ah.

Tuliguuleed ayaa Jigjiga u jirta 30 KM, dhanka galbeedkana waxaa ka xiga Jinacsani, waana magaalo beeraley ah, kana mid ah magalooyinka ugu waxsoosaarka badan DDS. Laakiin Tuli Guuleed waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyey weerar ku ahaa qowmiyadda Oramada, ayada oo dad badan ku naf waayeen, kuwo badanna laga qaxiyey badanaa degmooyinka hoostaga Tuliguuleed.

Qaxootiga ugu badan ee laga barakiciyey degmooyinka hoosyimaada Tuli Guuleed ayaan ayagu weli helin hoy ay ku hoydaan, kuna dhex rafaadsan degmada Tuli Guuleed, meesha barakacayaasha magaalooyinka Balbaleyti iyo Jinacsani oo  hore maleeshiyaadka QEEROO ee Oramadu ay Soomaalida ugala wareegeen ay qaxootiga ku yihiin xerada weyn ee qaxootiga ee Qalooji, kuna taal bartamaha Jigjiga iyo Harar.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    TULI GUULEED WAXAA DEGA WAA “JAARSO”.
    OK,JAARSO OROMO LKN WALIGOOD SOMALI LA DAAQ BAY AHAAYEEN NIMAN OROMO WAX KA OGNA MA AHA LKN OROMO BAY SHEEGTEEN WAQTI DHOW,WAXAYNA SHEEGAAN INAY RAACEEN KILILKA OROMADA EE KILILKA AFARAAD…OK,WAXA TULIGUULEED ISKU DILANA WAA JAARSO & SOMALI.OK,JAARSO WAA OROMO SOOMAALIYOOWDAY OO LA CADAADIYEY OO OROMO KU BIIRTAY DHAWAAN,INA ILEY BAANA UGU WACNAA.
    JAARSANA NIMAN OROMO WAX KA OG MA AHA XAQIIQDII.LKN MA JIRTO OROMO KALE OO SHEEGAN KARTA TULIGUULEED LKN WAA JAARSO UUN.JAARSANA MA AHAYN IN LA FOGEEYO.
    JAARSO HANTIDA AY KULEEDAHAY JIGJIGA KUMA LEH DHUL OROMO.WALIGOODNA SOMALI BAY LA QAYB AHAAYEEN LKN WAA DAD LA FOGEEYEY OO LAGU QASBAY INAY OROMO SHEEGTAAN AY BERI HORE ISKAGA TAGEEN!!!…
    CALAA AYIXAAL OROMADII OROMO AHAYD MAAHA WAXA TULIGUULEWD LASOO DEJIYEY WAA UUN JAARSADII DEGENAYD EEAY GERIGA IS CAYDHCAYDHSANAYEEN WAQTIGII INA ILEY.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com