Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Puntland oo xukuno ku riday rag ka tirsan Alshabaab

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Puntland oo xukuno ku riday rag ka tirsan Alshabaab

Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Ceyn ee Dowladda Puntland ayaa xukun dil ah ku ridey shan ruux oo lagu eedeeyay inay falal qorsheysan oo dilal ah ka fuliyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Maxkamada ayaa la horkeenay illaa siddeed ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin shabakad Alshabaab ah,iyadoo shan ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah.

Raggan la horkeenay maxkamada ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Feysal Axmed Bashiir, Sahal Cabdullaahi Jaamac, Idiris Maxamed Afyare, Salman Maxamuud saleemaan, iyo Jaamac Muruudi Xuseen Maxamed, Maxamed Cabdi Raage Indhabuur, Cabdirisaaq Axmed Buraale iyo Maxamed Cumar Muudey.

Raggan ka tirsan ururka Alshabaab ayaa horey u layeey holdoorka Gaalkacyo tan iyo 2008-dii,waxaana maanta maxkamadu ku xukuntay dhamaantood dil toogasho ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com