Masar oo dowladda Soomaaliya ka taageeraysa tababarada Ciidamada Xoogga dalka (Sawiro)

Masar oo dowladda Soomaaliya ka taageeraysa tababarada Ciidamada Xoogga dalka  (Sawiro)

Wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhiga Dalka Masar oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Taliska Ciidanka Xoogga dalka kadib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxayna   kawada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee dhanka ciidamada iyo sidii iskaashi buuxa looga sameyn lahaa in Dowlada Masar ay ka qeyb qaadato tababarida ciidamada Xoogga Dalka soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa ka warbixiyay kulanka iyo waxyabihii la isku afgartay, wuxuuna uga mahadceliyay Dowlada Masar kaalinta ay ka qaadaneyso tababarada Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Wafdigan oo uu Hoggaaminayo Sareeye Gaas Waxiid Cizaad Ibrahim ayaa waxey imaan shahooda Muqdisho ku soo beegmeysaa xilli dhowaan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadleen sidii Dowladda  Masar ay ugu tababari  laheyd ciidamada  Soomaaliya.

Sawiro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com