Masar iyo Suudaan oo wada dhoola tuska Nile

Masar iyo Suudaan oo wada dhoola tuska Nile

Ciidamada cirka ee dalalka Masar iyo Suudaan ayaa Arbacadii si wadajir ah jimicsi ugu qabtay waqooyiga Suudaan, sida ay warisay warbaahinta dowladda ee Masa.

Dhoolatuskan oo loogu magac daray “ Gorgorka Nile-ka labaad,” ayaa lagu qabtay Saldhigga Cirka ee Meroe ee dalka Suudaan, waxaana loogu talagalay in lagu wanaajiyo xirfadaha ciidamada si ay u fuliyaan hawlgallada cirka ee wadajirka ah, sida Al-Ahram ka soo xigatay ciidamada qalabka sida ee Masar.

Mohamed Othman, oo ah madaxa shaqaalaha ee ciidamada qalabka sida ee Suudaan, saraakiil sar sare oo ka socda Suudaan iyo qaar ka mid ah taliyayaasha sarsare ee ciidamada cirka Masar ayaa la sheegay in taba barada ay baxaayaan.

Masar iyo Suudaan waxay qabteen wajigii koowaad ee dhoola tus wadajir ah Nofeembar 15, 2020-kii, kaasi oo loogu magic daray ” Gorgorkii Nile-ka koobaad”.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com