MARTISOOR: Cabdisalaam Xaaji Ismaaciil iyo falaanqayta marxaladda siyaasadeed ee dalku wajahayo (dhegayso)

HomeWararkaMARTISOOR

MARTISOOR: Cabdisalaam Xaaji Ismaaciil iyo falaanqayta marxaladda siyaasadeed ee dalku wajahayo (dhegayso)

Barnaamijka Martisoor ee Radio Daljir waxaa todobaadkan marti u ah Cabdisalaam Xaaji Ismaaciil oo ka mid ah aqoon yahanka Soomaalida ee deggan dalka M

Martisoor: Quraanjecel iyo Waayihiisii Nolosha, Wasiirnimada iyo Waliba Waxqabadkii Xukuumadda (dhegayso)
DHAGAYSO:Qaybtii Labaad ee Marti-soor oo uu Marti-ku yahay Cali Khaliif Galaydh
MARTISOOR: Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Waraabe-Cadde)

Barnaamijka Martisoor ee Radio Daljir waxaa todobaadkan marti u ah Cabdisalaam Xaaji Ismaaciil oo ka mid ah aqoon yahanka Soomaalida ee deggan dalka Maraykan ahna difaace danaha qaran ee dalka Soomaaliya.

Cabdisalaam waxa uu barnaamijkan si durugsan ugu falaanqaynayaa marxaladda siyaasadeed ee uu wajahayo dalka Somaliya, gaar ahaanna khilaafka sii xoogeysanaya ee ka dhex aloosan dawladda Federalka ah iyo Dawladaha xubnaha ka ah, doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan qaar ka mid ah Dawlad Goboleedyada ayna ugu soo horreyso tan lagu wado inay ka dhacdo maamulka Koonfur Galbeed (KGS), taas oo xiisad ka dhalatay ay ugu dambayn sababtay inuu iscasilo madaxweynihii maamulka KGS Md. Shariif Xasan Shiikh Aaden.

Intaas oo kaliya ma aha ee aqoonyahan Cabdisalaam Xaaji Ismaaciil wuxuu falaanqaynaa waxa ka jira wararka sheegaya in dawladda federalka ee Somaliya ay dooneyso inay ka takhalusto dhamaan dawlad-goboleedyada si ay meesha uga saarto nidaamka federaalka ah ee ay Soomaaliya qaadatay, halka uu ku dambayn karo golihii iskaashiga ee dawlad goboleedyada mar haddii guddoomiyihii iyo afhayeenkiiba is casileen, suurtagalnimada faragalin la mid ah tan Koonfur Galbeed oo DFS ay ku samayso doorashada loo madlanyahay ee Puntland.

Hoos kaga bogo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: