Ilaa 15 wadan ayaa iska mamnuucay in wadankooda ay soo galaan 29 siyaasi oo ka soo jeeda dalka Venezuela.
Siyaasiyiinta la mamnuucay ayaa waxaa ku jira Madaxweynaha wadanka Venezuela ee Nicolas Maduro iyo xulafadiisa.
Go’aankan ayaa yimid, kadib markii 15 wadan ay shir ku yeesheen wadanka Colombia.
Shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay wadamada kala ah Argentina, Brazil, Mareykanka, Chile iyo Peru.
Xiisad dhanka siyaasadda ah ayaa ka jirta wadanka Venezuela.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
U Jawaab NuurkaNederland Buri halceliska