Madaxweyne Gaas oo xarigga ka jaray Jaamacadda Maakhir Badhan (sawirro)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Madaxweyne Gaas oo xarigga ka jaray Jaamacadda Maakhir Badhan (sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo taariikhdu tahay 19 Sep 2018 waxaa uu xadhiga ka jaray Jaamacada Maakhi

Sirdoonka Turkiga: Dilka iyo jarjarka Jamaal Khashoggi waxaan u haynaa caddaymo laga helay bullaacadaha iyo waliba muuqaal
Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS: Baaq Ixtiraanka Go’aanka Baarlamaanka Galmudug (akhriso)
Taliye Gorod: “Lataliye Koor, awood uma lihid in aad soo faragelisid howlaha XDS”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo taariikhdu tahay 19 Sep 2018 waxaa uu xadhiga ka jaray Jaamacada Maakhir ee Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey munaasabada xadhig jarka jaamacadda maahkir Guddoomiyaha Golaha wakiilkada Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud, qaar kamida Goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka Jaamacadda Maakhir, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Jaamacada Maakhir oo dhismeheedu ka kooban yahay ilaa 7 qaybood ayaa labilaabay aasaasideeda sanadii 2010, waxaana markeedi hore lagu bilaabay iskaa wax u qabso oo ay hormuud u ahaayeen bulshada ku dhaqan Badhan, sanadku markuu ahaa 2015 ayaa Dowladda Puntlnad oo kadhaynaysa Dowladda Kuweit ay dhidibada u taagtay dhismaha Jaamacada Maakhir oo maanta xadhiga laga jaray.

Dhinaca kale Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali shire oo khudbad taariikhiya ka jeediyey furitaanka munaasbada xadhig jarka ayaa soo dhaweeyey horumarka uu ku tilaabsaday Gobolka Sanaag, waxaa uuna suldaanku xusay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee horumar intaas le’eg ka hir galiya Gobolka Sanaag , islamarkaasna waxaa uu suldaanku bulshada ugu baaqay midnimo iyo isku duubnaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kudhbad muhiimad balaadhan lahayd ka jeediyay munaasbada xadhig jarka Jaamacada Maakhir ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa,

“Waan idin salaamayaa dhammaantiin oo ay ugu horreeyaan ismida, guddoonka baarlamaanku, sharf wayn bay ii tahay inaan idinkala soo qayb galo xafladdan waan kamahad naqaynaa intii soo qaban qaabisay, runtii farxad aan lasoo koobi karin iyo rayn rayn ayaa qalbigeena kabuuxa, soo dhaweyntii aan kasoo bilownay, Cawsane, Midigale, Rad, Qumure iyo hada oo aan joogno Badhan, meel walba waxaa noo taagna dad shacab ah iyada oo heerkulku badnaa, waan ka mahadnaqaynaa soo dhaweyntaas, bishii December 2013 baan imid Badhan, shan sano ka hor waxaan ku faraxsanaha wajigii ay markaas lahayd in waji aad uga duwan ay Badhan maanta leedahay, Ayuu yri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in horumarka Badhan iyo gobolka Sanaag-ba ay soconayaan cid joojin kartaana aysan jirin Isla’markaana ay Dowladda Puntland ay ka hirgalin doonto mashaariic horumarineed oo aad u balaadhan.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

  

  

  

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: