Madaxweyne Gaas oo siidaayay sarkaal Al-shabaab ka tirsanaa oo dil lagu xukumay

Madaxweyne Gaas oo siidaayay sarkaal Al-shabaab ka tirsanaa oo dil lagu xukumay

Madaxweynaha  Puntlnd C/wali Cali Gaas ayaa maanta Xabsiga waxa uu ka sii daayay C/risaaq  Xuseen Tahliil oo ku magac dheeraa (Ina Calool Geel ).

Ninkan ayaa talaadadii aynu soo dhaafnay Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah ,kadib markii lagu soo eedeeyay in uu katirsan yahay kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ,una qaabil sanaa dahnka maaliyada

 

Cabdiwali Gaas ayaa 2015kii  sarkaalkan ka tirsanaa Al-shabaab waxa uu ka sii daayay xabsiga ,xiligaas oo ay ciidamada PSFta Puntland ay ka soo qabteen duleedka magaalada Gaalkacyo, waxaan markale dib loo soo qabtay hadana 2017kii .

Gudoomiyihii hore ee degmada Gaalkacyo  Yaasiin Tumey  oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa guul weyn ku tilmaamay siideynta Calool Geel .

 

“Waxaan soo dhawaynayaa una hambalyeynayaa isbadalka Degmada Gaalkacyo waxaan ku faraxsanahay caqabadii iyo cabsidii maalmahan taagnayd anigoo soo afjaray dadaal dheer kadib in isbadalku dhaco nabadii Gaalkacyo waan garab taagnahay sidii hore aan uga shaqaynayey reer Gaalkacyo nabadiina xagsada iyo walaalnimadiina.

Wararka ay helayso idaacada Daljir ayaa shegaya in sababta ugu weyn ee ninkan loo sidaayay ay tahay in dowladdu ay cabsi xoogan ay ka qabto qal qal amni daro oo ka dhaco magaalada Gaalkacyo.

Tan iyo marki uu xilka qabtay Madaxweyne Gaas Puntland siiba gobolka bari waxaa ku soo xoogaystay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab .

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com