Madaxweyne farmaajo iyo muuse bixi oo kulmaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lafilayaa in Maalmaha soo socda ay wada kulmaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Burundi ayaa haatan ku sugan dalka Jabuuti,waxaana sida aan wararka ku helnay la qorsheynayaa in uu tago Magalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ku kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliland.

Itoobiya ayaa casuumaad u fidisay labada Madaxweyne si halkaasi uu uga bilaawdo wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo hakad ku jira Sanadihii ugu dambeysay,waxaana Maanta oo Arbaco ah la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliland uu u safro dalka Itoobiya.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,waxaana uu noqonayaa kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii Madaxweytne Farmaajo la doortay 8-dii Febaraayo Sanadkii 2017.

Weli lama shaacin ajandaha rasmiga ah oo ay kulankooda uga hadli doonaan,hayeeshee Somaaliland ayaa tabashooyin farabadan ka qabta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo,waxana Muuse Biixi uu horay ugu eedeeyay inay cunaqabateyn saartay.

Si kastaba tira ka dhowr jeer ayaa lagu cel cliyay inay dib u bilaawdaan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland,balse Soomaaliland ay shuruud ku xirtay,waxaana la wada sugayaa natiijada kasoo baxda kulanka ay yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaaliland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com