Jen. Nuur Salaad AUN: Hagardaamooyinkii Hirgelinta Laamiga iyo Dekedda Bossaso

Jen. Nuur Salaad AUN: Hagardaamooyinkii Hirgelinta Laamiga iyo Dekedda Bossaso

Wareysi AUN Jen. Nuur Muuse Cali ‘Nuur Salaad’: Hagardaamooyinkii lagala kulmay hirgelinta laamiga iyo dekedda Bossaso iyo kahor sida gobolladaas ay ahaayeen, dhan hormar iyo dhan dadeed.

Alle ha u naxariistee Jen. Nuur Muuse Cali ‘Nuur Salaad’ waxaa uu ahaa taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada Booliska Puntland, horayna waxaa uu u soo ahaan jiray sarkaal xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii Soomaaliya soo maray.

Jen. Nuur Salaad si gaar ah waxaa loogu xasuustaa oo uu soo noqday taliyihii ammaanka ee ciidamadii Soomaaliya ee illaalada ka ahaa, qaabilsanaan amniga mashruucii lagu dhisay waddada u dhaxaysa magaalooyinka Garoowe iyo Bossaso iyo isla dekedda magaalada Bossaso. Mashruucaas oo dhibaatooyin badan laga soo maray hirgelintiisa, hagardaamada ugu badanna ay ka timid dad u deshay deegaanka, oo sida Nuur Salaad uu nala qaybsaday aan marnaba raalli ka ahayn hirgelinta mashruuca Garoowe-Bossaso.

Alle ha u naxariistee Nuur Salaad waxa uu 16 Juun 2011 ku geeriyooday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Haddaba Radio Daljir ayaa labo maalmood kahor intii uusan Nuur Salaad geeriyoon la yeeshay wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya, waxaana Radio Daljir uu wareysigaasi qaaday 14 Juun 2011, labo maalmood kadibna Nuur waa uu geeriyooday.

Wareysiga Nuur Salaad waxaa uu uga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xaaladihii nololeed iyo hormar ee ka jiray gobollada Puntland kahor intii aan la hirgelin laamiga dheer ee taga Bossaso iyo dekedda isla magaaladaada Bossaso.

Waxa kale oo isla wareysiga uu uga hadlayaa mashruucii lagu dhisay laamiga ka bilawda Garoowe illaa iyo dekedda Bossaso oo isagu uu ka ahaa taliyihii illaalinayey amniga mashruuca, hagardaamooyinkii soo wajahay, iyo hawlihii caqabadeed ee ay la kulmeen muddadii mushruucu uu socday.

Raadreeb Radio Daljir

FG: Haddii aad hayso waraysiyo iyo khudbooyin dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed, fadlan nala qaybso. Haddii aad aqoon u leedahay dad dhaxalgal ah oo sii socda, rabana in ay raad ka tagaan, ayana fadlan nala qaybso xiriirkooda.

Masawirada: Horseed Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 5
  • […] Salaad, oo geeriyooday dhowr sano ka hor marna ahaa taliyihii ciidanka booliska Buntland,  wuxuu Daljir Raadiyo uga warramay dibindaabyadii dad badani la rabeen mashruucii lagu dhisayay waddada Boosaaso iyo dekedda maanta Buntland ay ku tiirsan tahay. Wuxuu sheegay in […]

  • Maxamud yare 6 years ago

    Allah u naxariisto waxa aw ahaa masul qaran. Idina daljir waad ku mahadsantihin in aad waxa ka qorteen taarikhda mar xuunka

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com