Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag oo xilka la wareegay

Baran, Oct 15 – Waxaa maanta degmada Baran ee gobolka Sanaag kadhacday munaasbad si heer sare ah loo soo agaasimay, kaasi oo ay xilalka ku kala wareegayeen masuuliyiintii hore ee gobolka Sanaag iyo maamulka cusub ee dhowaan la magacaabay.


Xafladda xil wareejinta ayaa waxaa ka qaybgalay wasiir kuxigeenka amniga Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed, cuqaal, ururada bulshada iyo gudoomiyihii hore ee gobolka iyo gudoomiyaha cusub.


Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sanaaag Maxamuud Ciyoon Ismaaciil oo xafladda xil wareejinta kadib la hadlay radio Daljir ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xilkan cusub ee loo magacaabay.


Waxaa uu sheegay maamulkiisa inuu diiradda saari doono wax ka qabashada caafimaadka iyo siyaasadda gobolka iyadoo uu kaashanayo dowladda dhexe ee Puntland.

9-kii bishaan ayay markii Maxamuud Saciid Dabayl oo ahaa? gudoomiyaha gobolka Sanaag? muddo 12-sanadood uu shaaciyay soo bixitaanka wareegto isbadal lagu sameeyay maamulkii uu madaxda u ahaa ee gobolka Sanaag, Maxamuud Saciid Dabayl ayaa xilka gudoomiyaha ee gobolka waxaa u magacaabay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mraxuum Cabdilaahi Yuusuf Axmed xiligii uu madaxwayne? ka ahaa Puntland.

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Daljir Bosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com